Maamulka G/Banaadir oo soo celiyay Dhul uu lahaa Cabdulaahi Yusuf

Wararka Maanta

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa ku guuleestay in uu dib ugu soo celiyo Dhul uu lahaa allaha u Naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed, Caruurtiisa ayaa lagu wareejiyay dhulkaas oo ku yaala Degmada Wadajir ee Gobolka Benaadir oo in muddo ah laga hastay.

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa Sheegay in Qof muwaadin ah an laga heysan karin Hantidiisa, Wuxuu balan ku qaaday Guddoomiyaha in aan loo dulqaadan doonin shaqsi Guri uusan laheyn si aan sharci aheyn ku heysto lagana qaadi doono.

Fulinta howshan ayaa goob joog waxaa u ahaa Maamulka Degmada Wadajir, Xilibaano, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameed, qaar ka mid ah Caruurtii uu dhalay Allaha u naxariistee Maxaweyne Abdulahi Yusuf, iyo Bulshada Degmada kuwaas oo si wanaagasan u soo wada dhaweeyay talaabadani.