Guddiga difaaca Baarlamaanka ayaa mooshin ka dhan ah ka gudbiyay habka dhismaha ciidamada xoogga dalka,oo ay ku tilmaameen in lawiiqayo awoodda ciidamo qaran iyo wasaaradda difaaca,Xildhibaan xuseen carab ciise oo ah guddoomiyaha guddigaasi,ayaa sheegay in ay aheyd balantu in isku dhaf lagu sameeyo ciidamada gobollada iyo kuwa Qaranka.
“Ujeedada mooshinka waxaa weeye, in wax kasta oo wiiqaya awoodda ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed, wasaaradda gaashaandhigga iyo midnimada qaran inaan diidno, Xoogga dalka ma galo Federaal, waa afarta hey’adood ee aan Federaalka aheyn”ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.
Waxaa uu dhaliilay war murtiyeedkii ka soo baxay todobaadkii hore shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee in la dhiso 18-kun oo askari, oo min 3,000 askari looga keenayo maamul goboleedyada.
Qorshahan cusub ayaa dad badan u arkaan mid lagu wiiqayo qaranimada Soomaaliya, waxaana gadaal ka riixaya qorshahaan dowlada ingiriiska.