Aqriso;Magacyada xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay gud-baarlamaanka galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xildhibaano katirsan baarlamaanka Galmudug ayaa maanta mooshin ka gudbiyay gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug mudane Cali Gacal Casir iyagoona ku eedeey inuu is hor taagayo la xisaabtanka  xukuumada.

Xildhibaanadaan oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa waxaa ay sheegeen in ay mooshin ka gudbiyeen gudoomiyaha baarlamaanka galmudug isla markana mooshinkaasi uu xildhibaanada ka qabtay gudoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka  Xareed Cali Xareed.

Shir jaraa’id oo uu maanta magaalada Cadaado ku qabtay gudoomiye Cali Gacal Casir ayuu sheegay in uu xiran yahay kal fadhigii labaad ee baarlamaanka ilaa shanta bisha Janaayo ee sanadka 2017.

xildhibaanadan kulanka ku yeeshay magaalada cadaado ayaa sheegay in gudoomiyuhu uu san xaq ulaheyn in uu soo xiro kalfadhiga baarlamaanka isaga oo mooshin laga gudbiyay sidoo kale xildhibaanada ayaa sheegay  in kal fadhiga baarlamaanka uu san xirneyn isla markaana bari oo usoo horeysa kalfadhiga uu daadihin doono gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Xareed Cali Xareed, tirada xildhibaanada mooshinka gudbiyay ayaa gaaraya 34 xildhibaan sida ka muuqata magacyada waraaqada hoos kuqoran.

Hoos ka aqriso magacyada xildhibaanada mooshinka gudbiyay

scanscan0001

 

 

 

 

Comments are closed.