Home > Wararka Maanta > Ku xigeenkii gobolka gedo iyo gudoomiyihii degmada baardheere oo xamar lagu xiray

Ku xigeenkii gobolka gedo iyo gudoomiyihii degmada baardheere oo xamar lagu xiray

Wararka Maanta

 

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Gedo iyo Guddoomiyaha degmada Baardheere shalay diyaarad looga soo qaaday Baardheere, markii wada hadalo muddo socday ay la yeesheen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo maalmo ka hor gaaray Baardheere, laguna qanciyay inay Muqdisho u soo raacaan si ay wada hadalo ula galaan dowladda.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Gedo iyo Guddoomiyaha degmada Baardheere ayaa si weyn uga soo horjeeday qorshaha ay dowladdu waday ee la doonayay in Maamulka Jubbaland looga gooyo Gobolka Gedo.

Labada Mas’uul ayaa markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa la wareegay ciidamo ka tirsan xoogga dalka, kuwaasoo u galbiyay xarunta Wasaaradda gaashaandhigga, halkaasoo markii dambe lagu xiray.

Ma jirto wax faah faahin ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya oo ku saabsan xariga Mas’uuliyiintan ka tirsanaa Maamulka Gobolka Gedo ee ka tirsan Jubbaland.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!