JENARAAL EEY IYO IRIDDA XALANE….. W/Q: Cilmi Nuurre

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

33913781

JENARAAL EEY IYO IRIDDA XALANE
Ugu horayn hadaad beer jilicsan tahay ama aad leedahay cudurada macaanka,dhiig karka iyo cholesterol ama aadba isfiilato qabto ha aqrin maqaalkaan.

Halkani waa Muqdhisho caasimada Soomaaliya waa magaallo ay ku soo hirtaan ku dhawaad 30 milyan oo qof marka ay maqlaana xusuustaan jawi macaan iyo qaninimo iyo waliba qaran,waa goor barqo ah waxaan u socdaa garoonka diyuuradaha ee Muqdisho waxaan rabaa nin soo dagaya in aan ka soo qaato alaab waxaan ka imid dhanka ceel qalow waxaan soo abaaray meesha loo bixiyey madiina gate waxay indhahaygu qabteen gaari lagu joojiyey irida Xalane, gaariga waxaa wata nin oday ah oo Soomaali ah dhalintu ka muuqato, askari dharmadow isna madow qalbigana ka madow ayaa u ishaaray odaygii in uu soo dago si gaariga loo baaro, waxaan meel halkaan ah laga soo bixiyey eey aad u cayilan oo carab wayn lulaya, ka dib wuxuu u dhaqaaqay xagga gaariga, laakiin waxaa arintaas ka naxay odaygii wuxuu yiri war nin ayaan sugayaa ee bahalka  iiga daa gaariga nasiib daro eeyga iyo ninka midna ma fahmayn afka Soomaaliga.

Ninkii odayga ahaa oo gaarigii aad u fiirinaya ayaa gacanta filqay,  wuxuuna ku calaacalay ma maantaa Xalane eey igu baaray aduun,waxaan la hadlay odaygii waxaa sidii nin aan fahmin ku iri: ” adeerow Xalane muxuu ahaa?: yaa yaa yaa inta  igu yiri uu bilaabay in uu ka sheekeeyo Xalane, laakiin wuxuu awoodi waayey in uu ila sii hadla sababta adba faham.

Nin ayaan su’aal waydiiyey meesha marayey hadii uu wax igu dhaamo eeygaan sidaan u quruxda badan tolow maxaysiiyeen inta igu qoslay uu igu yiri isaga eeyga ah iyo tolow taliyayaasha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya yaa mushaar badan? isla su’aashii ayaan nin kale waydiinay warkuna wuxuu ku soo dhamaaday in uu eeygu nolol fiican yahay.

Waxaan kaligay is waydiiyey maba dhici kartee hadii lacala qof qabri ku jiraa xanaaqi lahaa oo uu soo bixi lahaa oo aduun iyo aakhiro isu furan yihiin sidee u caroon lahaa Xalane,waxaan u gudbay gudaha garoonka xoogaa dhib ah ka dib maxaan soo arkay? lama soo koobi karo laakiin aan kuu sawiro wax yar horta marka aad gudaha gasho guuxa
dayuuradaha iyo gawaarida daqiiqadii waxaa maraya hortaada ama soo dagaya tobanaan ama dayuurad ama gawaari wayn iyo xitaa kuwa gaashaaman waxaadna la yaabaysaa tirabadnida shaqada nalakahayo iyo
yaraanta shaqada naloo hayo.

Waxaa ka shaqaysta boqolaal rayid ajnabi ah kuwaa maqaayado ka shaqeeya xitaa mid gaari gacan adeeg ku wada waan ku arkay gabdho iyo wiilal wada ajnabi ah cadaan iyo madow la isugu imaa halkaas koley geel caruuri qaaday ma dheera Maalin kasta waxaa la ii sheegay in ay xalane yimaadaan tira dad ajnabi ah oo leh dhamaan midabyada aadanaha waxay u badan yihiin shaqaalaha qabta shaqada jiniga ee lagu qaato malaayiinta dollar ee
lagu magacaabo lacagta deeqda Soomaaliya.

Waxaan arkay waxaan ka naxay hadana ku qoslay waa gabar yar oo aan is iri waa koley Aasiyaan oo cilin ah aad u fil xun waxay cabaysaa waxaa loo yaqaan badeeco(Shiishad) , nasiib daro waan sii joogi waayey meeshii uu igu balamiyey ninkii alaabta ii waday waayo waqtiga oo aan ka cararayey balan kale oo aan lahaa waxaan arkaba way ka daraayeen wixii hore waxaa ka socda Xalane waa run cad waa gumaysi soo xididaysanaya, mana ka mid ah xalane dhulka Soomaalidu ka war qabto Ka warama musuul nasiib u helay in uu Soomaaliya 4 madaxweyne u noqday kuna sugnaa Villa Somalia ee og waxa ka socda Xalane ee iska qoslaya kuna faraxsan in uu shaqo fiican noo qabtay,Xalane kiro loogama jiro,nalakama gadan,xoog la shaacieyey,maahan waxaan u malaynaa in ay noqon doono magaalada Qudus iyo sidii Falastiin ku waydey.

Hada waxaan haysanaa qoryo iyo banaatiiq kala gadisan waxaan u baahanahay hugaan dowli ah oo xoogeena iyo xoolaheena nagu difaacada laakiin waxaan gaari doonaa maalin anaga iyo madaxdeena isku meel nalaku cayrsado qoriga Ak47na muqdisho ka noqon doono 15000$, maalintaas dhagax ayaad Xalane ku xorayn doonaa.

Waxaan halkaan uga baaqayaa madaxda cusub ee dhawaan la doortay waxaan u sheegayaa in ay arinta Xalane dag dag wax uga qabtaan oo ajaaniibta kala duwan ee ku sugan si sharici ah dalka uga baxaan ama ku soo galaan ogow madaxweyne in hadii aad arinta soo gaarsiiso in qasab lagu dagan yahay Xalane ay wax wayn tahay oo dadku wax bay maanta awoodaan laakiin hadaad maalin aysan waxba awoodin u sheegto ay taasi noqon doonto khiyaano qaran.

La soco qayb kale
Cilmi Nuurre Weheliye
cilminure@gmail.com