Burundi oo xayiraad saartay baarayaal ka socda Qaramada Midoobeey

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Dalka Burundi waxa uu xayiraad saaray seddax baarayaal oo Qaramada Midoobeey ka socotay.

Dowladda Burundi ayaa sheegay in seddaxdaasi qof aysan dalkeeda soo gali karin, kaddib markii dowladda Burundi ay ku eedeeysay inay xadgudub baahsan oo ka dhan ah aadanaha geysatay.

Warbixin la daabacay bishii dhammaatay, baarayaasha waxay ku xuseen in kumannaan qof la jirdilay, la kufsaday ama la waayay intuu qalalaasaha siyaasadeed ka socday Burundi.

Go’aanka xayiraadda lagu saaray khubarada UN waxa uu imaanayaa maalmo kaddib markii Burundi ay sheegtay inay ka bexeyso maxkamadda ICC-da.

In ka badan 500 oo qof ayaa ku dhimatay qalalaasaha, kaas oo bilowday sanadkii tagay, kaddib markii madaxweyne Pierre Nkurunziza uu go’aansaday inuu mar seddaxaad xilka qabto, iyadoo 270,000 oo qof ay dalkaasi ka qaxeen muddadaasi gudaheed.

Comments are closed.