Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Amiirka Qatar

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, waxayna ka wada hadleen labada masuul xiriirka labada dal, waxaana Qatar ay u balan-qaaday Soomaaliya taageero dhaqaale. Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro labada dhinac ka socday.

Qatar ayaa balan qaaday in ay oomaaliya ka taageereyso dhinacyada dib u heshiisiinta, Amniga iyo dib u dhiska. Sidoo kale Qatar ayaa u balan-qaaday dowladda Soomaaliya taageero dhaqaale oo lagu kabi doono miisaaniyadda dowladda.

Qatar ayaa lagu xantaa inay lug ku laheyd doorashadii Madaxweyne Farmaajo, maadaama ay xiriir dhow la leedahay shaqsiyaadka aadka ugu dhow Farmaajo. Sidoo Qatar ayaa horboodeysa qorshaha lagula wareegayo shidaalka Soomaaliya, waxaana arintaan kula jira dowladaha Britain iyo Norway.

Farmaj-emir Farmajo-Emir1