Sawirro: Madaxweyne Xaaf oo Cadaado dib ugu soo laabtay

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Cadaado xarunta Galmudug.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweyey gudoomiye ku xigeenka 2-aad Barlamaanka Galmudug iyo masuuliyiin kale, Madaxweynaha ayaa salaan ka qaatay cutub ka tirsan ciidamada Booliska.

Mr. Xaaf oo saxaafada kula hadlay gudaha garoonka ayaa ugu baaqay bulshada Galmudug gaar ahaan kuwa Cadaado in ay ka qeyb qaataan sugidda ammaanka in lagu guda jiro caleemasaarka Madaxweynaha.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa loo galbiyey xarunta Madaxtooyada. Axmed Ducaale ayaa 21 maalmood ku maqnaa safar, waxaana 7 maalmood ka harsan tahay mudada magacaabista golaha wasiirada Galmudug, 29 bishan ayaa la filayaa inuu dhaco caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug.

Cadaado ayaa laga dareemayaa diyaar garowga caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug, martida ka qeyb galaysa xaflada ayaa kusoo qulqulaya Cadaado.

FB_IMG_1495806187305-1 FB_IMG_1495806195575-1 FB_IMG_1495806199642-1 FB_IMG_1495806207875-1 FB_IMG_1495806181518FB_IMG_1495806204636FB_IMG_1495806218746