Ciidamadda Badda ee Puntland iyo dagaalyahanada Daacish ee gacanta ku haya degmada Qandala ayaa is weydaarsaday rasaas culus, iyadoo Puntland isu diyaarineyso weerar rogaal celis ah oo ay ku qaado deegaankaas, si ay uga saarto dagaalyahanada Daacish.
Sida ay sheegayaan wararka Ciidamadda Badda Puntland oo ku sugan agagaarka xeebta, isla markaana kor kala socda dhaq dhaqaaqa deegaanka Qandala ayaa rasaas culus ku riday dagaalyahanada Daacish, iyadoo dhanka Daacish ay ku jawaabeen rasaas kale.
Dad ka ag dhow deegaanka Qandala ayaa sheegaya inay maqlayeen rasaas culus oo labada dhinac is weydaarsanayeen, lama oga khasaaraha ay sababtay.
Ciidamadda Badda Puntland oo wata doonyo dheereeya ayaa agagaarka Xeebta Qandala ku sugan, waxaana dagaalyahanada Daacish ay difaacyo ka sameysteen dhulka miyiga ah ee buuraha illaa agagaarka Xeebta.
Dadkii ku sugnaa deegaanka Qandala ayaa todobaadyo ka hor isaga barakacay, kaddib markii dagaalyahano ka tirsan Daacish ay la wareegeen.
Puntland ayaa todobaadyadii u dambeeyay isu diyaarineysay guluf dagaal oo ay ku qaado deegaanka Qandala, waxaana wali gaarin deegaanka ciidamadii lugta ahaa ee ka baxaya Garowe iyo Boosaaso, si ay uga saaraan dagaalyahanada Daacish.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Puntland oo ku aadan iska hor imaadka dhex maray Ciidamadda Badda iyo dagaalyahanada Daacish.
Comments are closed.