Maamulka G. Banaadir oo burburiyey Dhismo laga dhisay garoonka Jeenyo (Sawirro)

Wararka Maanta

Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu bur buriyey dhismaha Garoonkii Kubadda Cagta Jeenyo kaas oo la sheegay in si sharcidarro ah loo dhistay, Ka dib markii dhawaan Gudodoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow uu amray in la baneeyo Garoonkii Kooxda Jeenyo ayaa maanta .

Waaxda Howlaha Guud ee gobolka Banaadir ayaa saaka cagta marisay dhismayeyaal ku yaallay halkaasi ka dib markii la sheegay in Sharci daro lagu dhisay. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa goob joog ahaa xilligii Burburinta lagu waday garoonka Jeenyo.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa balanqaaday in ay burburin doonaan dhismayaasha laga dhistay dhulka Dowladda, iyadoo dhulalka qaar ay masuuliyiin hore bixiyeen. Waxaana inta badan masuuliyiinta dowladda inta ay xilka hayaan lacag ka qaataan ganacsato si ay u dhistaan dhulka danta guud ah.