Halkee ku dambeeyey mooshinkii laga keenay heshiiskii Dekeda Berbera?

Wararka Maanta

Waxaa markale soo ifbaxaya arrinta ku saabsan heshiiska dekeda Berbera taasoo uu Maamulka Somaliland la galay Wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa hore mooshin uga gudbiyay heshiiskan, hase yeeshee Madaxweyne Farmaajo ayaa safar deg-deg ah ugu ambabaxay wadanka Isutagga  Imaaraadka Carabta ayaa  dib loogu dhigey, iyadoo la filayay in marka uu kala hadlo madaxda wadankaas arrimo ku saabsan heshiiska dekeda Berbera.

Hase ahaatee illaa iyo hadda madaxtooyada ayaan ka hadlin heshiiskan,waxaana dhowaan afhayeenka madaxweynaha Somaliland uu shaaciyay in dowlada Ethiopia ay ka heli doonto dhaqaale dekeda Berbera.

Hoos ka aqriso qoraal uu u direy guddoomiyaha baarlamaanka Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha iyo weliba qoraalo kale oo ku saabsan mooshinka ay xildhibaanada ka keeneen heshiiska Berbera.

1-1 2-1 3-1 4-1 5-1