Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka Norway ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Agaasinka socdaalka Norway ee UDI Mr. Frode Forfang kaasi oo ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin iskaashiga dhinaca socdaalka, isdhaafsiga waaya-aragnimada (Khibradaha) iyo aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliya.
Kulankaas oo ka dhacay xarunta UDI ee magaalada Oslo ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay saraakiil ka socota UDI iyo xubnaha wefdiga uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha somalia Col. Mohamed Aden Koofi.
Dhinaca kale Agaasimaha iyo wefdigiisa ayaa booqdey Garoonka diyaaradaha Gardermoen , Xarunta bixisa Kaarka aqoonsiga Qaranka Norway oo ah xarun hubisa saxnimada dukumentiyada, waxa ayna labada dhinac ku heshiiyeen in dhowaan khubaro Norwegian ah loo diri Soomaaliya.
Wefdiga ayaa booqdey xarumaha laga maamulo Waaxda socdaalka Norway, iyaga ukuurgalayay hababka iyo qalabka casriga ah ee ay adeegsadaan si loo xaqiijiyo habsami usocodka socdaalka iyo dukumentiyada ay isticmaalaan dadka safra.
Wafdiga ka socday Soomaaliya ayaa waqti fiican iyo wadahal dheer la qaatay khubaro ku takhasusatay dhinaca hubinta dukumentiyada Socdaalka kuwaasoo taageero umuujiyay saraakiisha Immigration-ka Somalia.
Mohamed Abdulkadir – Norway