Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa safar aan la shaacin ku aaday dalka Hindiya, Safarka Madaxweynaha ayaa ah arimo caafimaad, Waxaana bishii Luulyo ee sanadkii hore qaliin dhanka wadnaha loogu sameeyey dalka Hindiya, waxaana xiligaas balantu aheyd inuu 6 bil ka dib dhaqtarkiisa ku laabto, si baaris guud loogu sameeyo.
Mr. Guuleed ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho oo maalmihii dambe uu ku sugnaa, waxaana safarkiisa ku wehliya saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Galmudug, Madaxweyne Guuleed ayaa sii maray dalka Imaaraatka carabta halkaas oo u taransit ku ahaa.
Madaxweyne Guuleed ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho, halkaas oo uu u joogay arimaha doorashada Hoggaanka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu dhawaan ku soo laabto deegaanada Galmudug kadib marka ay u soo dhamaato baarista caafimaad.