Booliska Spain ayaa xaqiijiyay inay toogteen ninkii ka dambeyeay weerarkii Barcelona lagu qaaday khamiistii la soo dhaafay, kaddib howl gal ay maalmahan ku baadigoobayaan.
Younes Abuu Yacquub ayaa ahaa ninkii madaxda u ahaa kooxdii weerartay dalkaas, waxaana uu ka dambeeyay dilka 13 ruux oo u adeegsaday baabuur ku jiirsiiyay goob dadka dalxiisayaasha u badan yihiin.
Booliska illaa iyo hada ma xaqiijin inuu dhintay Abuu Yacquub, balse qaar ka mid ah warbaahinta Spain ayaa sheegaya in la toogasho lagu dilay, markii Booliska ay hareereeyeen.
Abuu Yacquub ayaa lagu arkay xarun shidaal, waxaana dad arkay ay ku wargeliyeen booliska, iyadoo durbaba booliska goobta xiray.
Warbaahinta Spain ayaa sheegaya in ninkan uu ka hortagay booliska, isla markaana wax u eg jaakadaha qarxa xirnaa, isagoo ku qeylinayay “Allaahu Akbar”
Warar kale ayaa sheegaya in ninkan uu xirnaa jaakadaha qarxa oo faalso ah, iyadoo booliska ay markii dambe ku toogteen agagaarka goob lagu magacaabo Subirats oo 40 KM u jirta magaalada Barcelona.
Spain ayaa sare u qaaday heerka feejignaanta ee qatarta argagixisinimo, kadib weerarkii Barcelona, kaasoo ay mas’uuliyadeeda sheegatay Kooxda Daacish.