Sawirro: Heshiis laga gaaray colaad beeleed ka jirtay deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud

Wararka Galmudug Wararka Maanta
Wasiiro ka tirsan dawlad goboleedka Galmudug iyo saraakiisha ka socotay qaybta 21-aad ee xoogga dalka oo shalay iyo maanta dalaalo nabadeed ka waday deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud iyo tuulooyinka ku hareeraysay oo maalmo ka hor ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleed hubaysani ayaa maanta waxa ay ku guulaysteen in xabad joojin la sameeyo.
Wafdiga ayaa kulamo kala gaar gaar ah la qaatay waxgaradka labada beeleed, waxaana intaas ka dib la gaaray heshiis nabadeed, kaas oo ay u kala saxiixeen  Nabadoon Maxamed Calu Gureey iyo nabadoon Axmed Maxamuud Kadiye.
Mire Cali Abekar oo ka mid ah cuqaashii dadaalkaas nabadeed qaybta ka ahaa ayaa sheegay in lagu heshiiyay qodobadan
1-In xabad joojin rasmi ah la sameeyo.
2- waxaa la magacaabay gudi ka kooban 9-ruux oo ilaaliya nabadda wadahadladana fududeeya.
3-Waxaa 10-maalmood ka dib la isgu imaan doonaa shir dib u heshiisiineed oo lagu dhamaystirayo heshiiska
Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Galmudug Maxamed Nuur Diini ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay la xisaabtamayaan dadka kiciya colaadaha, sidoo kalena  la soo qaban doono gacan ku dhiiglayaashii dagaalka sababay.
 Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Galmudug Axmed Mire Cali ayaa waxgaradka kula dardaarmay dhaqangalinta heshiiskaasi nabadeed, waxaana uu nabasiib darro ku tilmaamay in xilligan oo waqti abaareed ah dadka colaad loogu sii daro.
Colaad beeleedkii maalmihii la soo dhaafay ka dhacday deegaanka Gadoon iyo hareerehiisa ayaa waxaa ku dhintay ilaa 4-Ruux oo waqtiyo kala duwan la dilay.
IMG_0422 IMG_0423 IMG_0444 IMG_0454 IMG_0457 IMG_0466 IMG_0467 IMG_0482 IMG_0501 IMG_0506 IMG_0508 IMG_0516