Cabdicasiis Lafta gareen Madaxweynaha Cusub ee Koofur Galbeed

Wararka Maanta

Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed isagoo ku guuleystay cod aqlabiyad ah.

Waxayna kala heleen musharixiinta:

  1. Cabdicasiis LaftGareen 101 Cod,

  2. Aadan Maxamed Nuur Saransoor 22 cod,

3.  Ibraahim Macalin Nuur 6 cod

  1. Sayid Axmed Shekh Daahir 4 cod

  2. Xuseen Xusmaan Xuseen 3 cod.

Gudiga ayaa sheegay in ay xumaatay 13 cod, iyada oo doorashada ay ka qeybgaleen 143 Xildhibaan,waxaana uu Lafta Gareen helay 70% Codadkii doorashada. Doorashadan oo dhowr jeer dib u dhacday ayaa waxaa ugu dambeyn la qabtay maanta halkaas oo uu ku guuleystay C/Casiis Maxamed Lafta Gareen oo noqonday madaxweynaha 4ta Sano soo socota ee Koofur Galbeed.