Ahlusunna oo laga joojiyay xaflad ay dhuusamareeb ku qabsan lahaayeen

Wararka Maanta

Ciidamada Booliska ee dowladda Federaalka ayaa maanta joojiyay Munaasabsad ay maanta Dhuusamareen ku qabsan lahaayeen Ahlusuna.

Munaasabadan oo aheyd mid qado ah oo lagu soo dhoweynayay Xildhibaannada Ahlusuna ay soo xulatay, ayaa la sheegay inay joojiyeen Ciidamada Booliska.

Xubnaha Ahlusuna ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid caburin ah, ayna mas’uul ka tahay dowladda Federaalka.

Laamaha amniga magaalada Dhuusamareeb ayaa dhowaan soo saaray amar ahaa in aan magaalada lagu qaban karin shirarka siyaasadeed ee aanay ogeyn dowladda Federaalka.