Sawirro: Gen. Cali Gaab oo Daawo ugu deeqay isbitaalka Cadaado

Caafimaadka Wararka Galmudug Wararka Maanta

Gen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa daawo dhowr kartoon ah ugu deeqay isbitaalka guud ee Cadaado, deeqdan ayaa isbitaalku aad ugu baahnaa, waxaana todobaadkan isbitaalka la keenay dad gaaray 130 ruux oo la il daran cudurka shuban biyoodka.

Dadka isbitaalka la keenay ayaa u badan qoysas uu si safmar ah ugu dhacay cudurkan, oo loo sababeynayo in ay ka qaadeen ciilbiyood ku yaala deegaanka iidoole oo 25km bari kaga beegan Cadaado.

Gen. Cali Gaab oo saxaafada kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in dawadan ay ugu talo in lagula tacaalo bukaanada shubanku soo ritay ee ku jira isbitaalka Cadaado, isagoo intaas ku daray in Xildhibaan C/raxmaan Odawaa gacan ka geystay deeqdaan.

Isbitaalka Cadaado ayaa ku jira xaalad deg deg daawadu gabaabsi ku tahay, maadaama dad badan la keenayo saacad kasta.

Shirkadda Hormuud, dhalinyarada Cadaado iyo ciidamada Jabuuti ayaa daawooyin gaarsiiyey isbitaalka maalmihii lasoo dhaafay.

FB_IMG_1489129479867 FB_IMG_1489129476550 FB_IMG_1489129473009 FB_IMG_1489129469562 FB_IMG_1489129465848