Sawirro: Wararkii ugu dambeeyey Qaraxii Zoobe

Wararka Maanta

Qarax aad u xooggan oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan  Isgoyska Zoobe ee KM5, qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari xamuul nuuca TM loo yaqaan. Qaraxan oo ahaa kii u horeeyay noociisa ayaa geystay khasaare aad u ballaaran oo isugu jira bur bur, dhimasho iyo hdaawac fara badan.

Illaa 20 ruux ayaa illaa iyo hada la xaqiijiyay inay qaraxa ku dhinteen, halka 50 kale ku dhaawacmeen, sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka. Qaraxa ayaa dhacay xilli wadada Isgoyska Zoobe ay aheyd mid mashquul ah, halkaas ay ku yaallaan goobo ganacsi.

Baabuur fara badan oo isugu jira kuwa yar, gaadiidka dadweynaha, iyo mooto bajaajta ayaa ku bur buray qaraxa weyn ee ka dhacay isgoyska, iyagoo gebi ahaanba gubtay. Sidoo kale waxaa bur buray dhismayaal fara badan, waxaana qaraxa uu saameeyay goobo aad uga fog halka qaraxa ka dhacay.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta qaraxa ka dhacay, waxaana wali socda baadigoobka dad kale oo looga shakisan yahay inay ku jiraan dhismayaal bur buray hoostooda.

 

Dhinaca kale Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay darawal waday gaari nuuca Noah ahaa oo qarax saarnaa, wararka ayaa sheegaya in markii ninkan lagu amray inuu gaariga ka dego uu qarxay gaariga.