Ciidamo gaadiidka gurmadka looga daabulay baladwayne oo dhuusamareeb ku wajahan

Wararka Maanta

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo muran ka dhex dhaliyay oday dhaqameedyada gobolka Hiiraan iyo dowlada Federalka loo qaaday magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamadan oo muddo sanad ah ku tababaranayay xerada Lama-galaay ee magaalada Beledweyne ayaa la sheegay in ay qeyb ka noqon doonaan ciidamo howlgalo ka fulinaya gobolka Galgaduud.

Duqeyda dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa dhowaan ka soo horjeestey in ciidamadan loo qaado gobolka Galgaduud iyagoo sheegay inay yihiin dhalinyaro da’ yar isla markaana aan haysan hub ku filan.

Ciidamadan ayaa lagu qaaday gaadiidka waaweyn ee ciidamada daabulo waxaana lagu wadaa in goor dhow ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa ammaanka la adkeeyay iyadoo halkaa lagu wado inuu gaaro Madaxweyne Farmaajo.