Dhismahada wadada Mariino oo hadda loo bixiyey wadada Dr. Kadare ayaa meel fiican maraysan, waxaana bilowday in laami la saaro.
Shirkadda Kulmiye Service ayaa fulinaysa dhismaha wadadan waxaana maalgalinaya maamulka gobolka Benaadir.
Wadadaan ayaa 4 Feberaayo waxaa dhagaxdhigay gudoomiya gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Jimcaale, waxaana wadadaan isku xirtaa degmooyinka Cabdi Casiis iyo Kaaraan.
27 sanno ka hor ayaa dayactir iyo dhisme ugu dambeysay wadadaan, Gudoomiye Yuusuf ayaa dadaal badan ku bixiyey dhismaha wadooyinka magaalada Muqdisho.