4 Qof oo Reer Koofur Galbeed ah oo lagu dilay duleedka Dhuusamareeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa xalay lagu dilay 4 ruux oo ka soojeeda Koofur Galbeed.

Falka lagu dilay dadkaas ayaa xalay waxaa uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Dhiin-waris oo 12 KM Magaalada Dhuusamareeb,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Afarta ruux ee la dilay  ay ahaayeen kuwo ka shaqeeynayay Xarun Malabka Shinida lagu maalo oo ku taalla deegaanka Dhiin-waris,isla markaana la sheegayaa in loo dilay arrimo la xiriira Aano Qabiil.

Dadkii la dilay Meydadkooda ayaa goordhow la keenay Dhuusamareeb, deegaanka dadkan lagu dilay ayaa waxaa xuduud ka leh beelaha Ceyr iyo Duduble oo muddooyinkan colaad beeleed ka dhaxeysay.

Lama xaqiijin karo cidda sida rasmiga ah ugu dambeysay dilka shaqaalahan kasoo jeeda Koofur Galbeed.