Faa’iidooyinka Shaaha Cagaaran.

Arimaha Bulshada Caafimaadka Wararka Maanta

FB_IMG_1494573802218

Maxaa ka taqaanaa #shaaha_cagaaran?
Asxaabtadda la sii wadaag

Qoraalkeena maanta wuxuu fikrad buuxda kaa siin doonaa cabitaanka ugu caafimaadka badan dunida sida ay cilmibaarayaashu ay sheegaan.

Inkastoo wax badan oo faa’iido ah laga sheego shaaha cagaaran, laakiin waxaan halkaan idinkugu soo gudbin doonaa 9 faa’iido kaliya, kuwaas oo aan dood ka taagnayn oo ay dhowr cilmibaaris isku waafaqday ina y yihin arrimo la tijaabiyay.

Shaaha cagaaran waxaa ku jiro waxyaabo dhowr ah oo ku caawiya jirka inuu ka saaro qashinka ama yareeyo sunta iyo waxyaabaha aan faa’idada ku jirin oo dhibka u keeni kara, waxyaabahaas shaaha cagaaran laga helo waxaa ka mid ah: flavonoids iyo catechins.

Waxyaabaha jirka dhaawaca gaarsiiyo ama shaqada xubnaha jirka kala duwan yareeyo waxaa ugu horreeya sunta ka dhalata falgallada ka dhex dhaca isla jirka laftirkiisa, haddii suntaas jirka laga suulin waayo waxay keentaa dhibaatooyin badan, sidaas darteed shaaha cagaaran wuxuu yareeyaa oo ka takhallusaa waxyaabahaas. sifadaan “anti-oxident” waxuu shaaha cagaaran uu kaga fiican yahay shaahyada kale ee la cabo.

Shaaha cagaaran wuxuu wanaajiyaa shaqada maskaxda, wuxuuna kobciyaa fakarka iyo xasuusta, shaahaan waxaa ku jiro maado u gudbi karta maskaxda, maadadaas waxaa loo yaqaanaa: “L-theanine”, maadadaan maskaxda waxay ku kordhisaa firfircooni iyo inuu qofka foojignaado, waxaa intaa sii dheer in shaaha cagaaran ay ku jirto qadar yar oo kaffee ah, tan oo iyadane ka qayb qaadato firfircoonida maskaxda.

-Caleemaha kala duwan ee shaaha laga dhigto waxay hoos u dhigaan miisaanka qofka iyadoo ay jirka ka saaraan biyaha dheeriga ah ee aan loo baahnanyn taasoo keenaysay in miisaanka uu yaraado, laakiin shaaha cagaaran si ka duwan ayuu misiaanka u yareeyaa, shaaha cagaaran waxaa ku jirto maadada gubta baruurta jirka, laba cilmibaaris oo kala duwan ayaa waxaa lagu arkay in dadka caba shaaha cagaaran inay bixiyaan energy badan taasoo keenaysa in baruurta la gubo khaas ahaan baruurta caloosha gasho sidaasne uu miisaanka ku yaraado.

Shaaha cagaaran waxaa la arkay inuu hoos u dhigo kansarada qaar kuwaas oo kala ah, kansarka naasaha, kansarka qanjirka borostaatada iyo kansarka malawadka, sababtuna waxay tahay in uu yareeyo suntii ka qayb qaadan lahayd bilaabista unugyada kansarka noqdo.

Cilmibaarayaasha arintaan wax ka qoray waxay sheegaan, in aan caano lagu darsanin shaaha cagaaran, maxaa yeelay waxay caanaha yareeyaan howsha sun-saarka shaaha cagaaran.

Shaaha cagaaran wuxuu yareeyaa xanuunada laleemada iyo hilmaanka keeno sida Parkison’s iyo Alzheimer’s disease, waa xanuuno ku caan baxay hilmaan iyo xasuus la’aan ku dhacda dadka da’da ah.

Shaaha cagaaran wuxuu dilaa uuna yareeyaa tarmidda bakteeriyada loo yaqaan “streptococcus mutans” jeermiskaan oo aad ugu badan afka bini’aadanka waxay keentaa ilko bololka, caabuqa dhuunta iyo ciridka, illaa 10 cilmibaaris oo kala duwan waxaa lagu arkay dadka joogteeya cabista shaaha cagaaran in ay ku yaryihiin cudurrada ku dhaca ilkaha iyo ciridka, waxayna hoos u dhigtaa xanuunka quumanka.

Shaaha cagaaran wuxuu hoos u dhigaa halista macaanka nooca 2-aad sababtoo ah wuxuu kordhiyaa firfircoonida iyo shaqada hormoonka Insulin-ka oo muhiim u ah dadka macaanka qabo, cilmibaarayaal u dhashay dalka Japan waxay sheegeen dadka joogteeyo cabista shaaha cagaaran in sonkorowga nooca 2-aad uu yareeyo boqolkiiba 42%.
Illaa 7 cilmibaaris kale oo lagu sameeyay dad gaarayo 286,701 oo qof waxaa lagu arkay inuu yareeyay halista macaanka boqolkiiba 18%
Shaaha cagaaran wuxuu aad ugu fiican yahay caafimaadka wadnaha maadaama uu yareeyo waxyaabaha ka qayb qaato halista wadna xanuunak sida kolestaroolka, waxayna cilmibaarayaashu sheegeen in shaaha cagaaran uu yareeyo halista wadna xanuunka boqolkiiba 31%
Cilmibaarayaashu waxay sheegaan in shaaha cagaaran uu yareeyo dhakhso duqoobista unugyada jirka taasoo lagu arki karo in qofka ay ku yaraato astaamaha duqoobista sida maqaarka oo kaduud yeesho iyo murqaha uu daciifo, waxaana lagu dhisay cilmibaaristaan dadka ku noool dhulalka shaaha cagaaran lagu beerto oo la arkay in ay ka dhalin yaryihiin dadka aanan aqoon shaaha cagaaran oo ku nool isla wadaamdaas.

Talooyin:
Suuqyada waxaa laga helaa shaahyo kala tayo duwan, intaba waxaa la sheegaa inuu shaah cagaaran yahay, sidaas daraadeed ku dadaal shaaha cagaaran oo aad gadanaysid inuu yahay “green tea extract” ama “organic green tea”.

W/D: Dr. Axmed Cadceed