Sawirro: Cabudwaaq, Dhismaha Dugsi cusub oo xariga laga jaray

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta WAXBARASHADA

Xaflad Xarigga looga jarayay Dhismaha Cusub ee Dugsiga H/Dhexe ee Howlwadaag Xaafada waaberi ee degmada caabudwaaq ayaa shalay Ka Dhacday Xarunta Dhismaha Cusub.

Munaasabadaan ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin isugu jirtay Xildhibaano, wasiiro iyo maamulka degmada, Wasiirka waxbarashada ee Maamulka Galmudug shiekh Ibrahim  guureeye ayaa si rasmi ah Xariga uga jaray dhismahan.
Gudiga waalidiinta Dugsiga  ayaa wasiirka iyo madaxa hay,ada Gudoonsiiyey Shahaado sharaf Iyo Hadiyad, Waxaa sidoo kale shaahado sharafta la gudoonsiiyey agaasimaga shirkada Qandaraaska qaadatay ee Jubbo Construction and Logistic Company, Waxaa iskuulka si rasmi ah loo bilaabayaa 1 bisha August,Waxaan Rajaynayaa in bulshada deeganku ay Caruurtoda uga faaiidaysan doonaan.

Dowladda goboleedka Galmudug ayaa Dugsiyo waxbarasho ka dhisay magaalooyinka Hobyo, Baxdo, Bandiiradleey iyo Cabudwaaq.

FB_IMG_1500667393402 FB_IMG_1500667388876 FB_IMG_1500667377967 FB_IMG_1500667373033 FB_IMG_1500667369331