Maxaabiis ka badan 100 Ruux oo Maanta laga soo dejin doono Garoonka Aadan Cadde

Wararka Maanta

Sida ay noo Xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maanta waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan C/dulle Cismaan Aadan Caddelagu wadaa in laga soo dejiyo in kabadan 100 Maxaabiis ah oo Dalka Itoobiya ku Xirnaa Mudooyinkii Dambe.

Maxaabiistaan Maanta imaaneysa Magaalada Muqdisho ayaa ah kuwii Afartii Bishaan Dowladda Itoobiya ay ku wareejisay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre oo Booqasho ku tagay Magaalada Addis-ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Maxaabiistaan oo la doonayay in xilli hore la keeno Dalka ayaa waxaa uu dib u dhac ku yimid Mudo Labo jeer ah sida ay Xaqiijiyeen Saraakiisha ka shaqeysa Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda Qorshe ay Dalka ku keeneyso Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jira Xabsiyo ku yaalla Wadamo badan oo ka tirsan Caalamka.