Magaalada Godinlabe ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa soo gaaray barakacayaal farabadan, dadkan ayaa degay laba xero oo ay ka sameysteen daafaha magaalada.
Barakacyaashaan oo wali ku soo qulqulaya Godinlabe ayaa kor u dhaafaya ilaa 600 Qoys, waxayna kasoo barakaceen deegaanada Miyiga, waxayna u badan yihiin dadkii abaartu xoolaha ku dhaafeen, sidoo kale waxaa xerooyinka ku wehliya barakacayaal ka tagay gudaha magaalada oo ay saameysay diidmada lacagta shilin soomaaliga ah.
Maamulka degmada ayaa codsaday in la gargaaro dadkaan soo barakacay, sidoo kale goobta ayaa waxaa ka muuqda in barakacayaashu ku soo qulqulayaan xerooyinka.