Daawo Video: Casho sharaf Cadaado loogu sameeyey Bulshada Rayidka Puntland

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta

Casho sharaf qiimo badan ayaa xalay loogu sameeyey Magaalada Cadaado xubno ka socday Bulshada Rayidka Puntland (PUNSA), kuwaas oo cadaado u yimid ka qeybgalka Shirka jilayaasha aan dowliga aheyn ee Soomaaliya oo ay magaalada Cadaado marti galisay.

Casho sharaftaan ayaa waxaan sameeyey bulshada rayidka Cadaado, waxaana looga hadlay Sidii Bulshada Rayida Galmudug iyo Puntland isaga kaashan lahayen nabadaynta iyo wacyi galinta bulshada.

Goobta ayaa waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin badan oo ay ku jiraan wasiiro Galmudug ka tirsan oo uu ka mid yahay wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiin Mudane Cismaan Maxamed Cali, iyo wasiiro kale.

Dhanka Xubnaha ka socday Puntland ayaa ka sheekeeyey waxa ay ka aaminaayeen Galmudug iyo sida ay ugu bogeen nabadda iyo hormarka ka jira deegaanada Galmudug.

si aad uga bogato fadlan daawo muuqaalkan qiimaha leh, oo xambaarsan sheekooyin badan oo aad waxbadan ka faa’iideyso, fadlan share garee.

Tagged

Comments are closed.