Madaxweyne Farmaajo oo maanta tagaya Adis Ababa

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta u safraya magaalada Addis Ababa caasimadda Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb gali doona Shirka Urur goboleedka IGAD. oo muddo 11 sano kadib  ka qeyb gali doono Madaxweynaha Eritrea, islamarkaana lagu ansixiyo xubinimada dowladda Eritrea ee IGAD. Eritrea ayaa 2007 laga saaray xubinimada urur Goboleedka IGAD.

Shirkan ayaa diiradu lagu saari doonaa  bedellada siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika iyo dib u heshiisiinta dowladaha Eritrea iyo Itoobiya oo dib u soo celiyay xiriirkooda diblomaasiga ahaa.

Dhanka Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Eritrea ayaa halkaas isku arki doono, iyagoo ka wada hadli doona khilaafkii u dhaxeeyey labada dal.