RW Lubnaan Sacad Alxariiri oo gaaray Faransiiska

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Ra’iisulwaasaraha is casilay ee dalka Lubnaan Sacad Alxariiri ayaa goordhow gaaray magaalada Paris Caasimadda Faransiiska. Alxariiri ayaa kasoo kicitimay Dalka Sucuudi Carabiya. waxa uuna kula kulmi doona Madaxweyana Faransiiska Emmanuel Macaron Qasriga Elysee.

Xariiri ayaa 4 bishan ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Ra’iisulwasaare, isagoo Khubadiisa iscasilaada oo Talefishinka laga soo daayey ku sheegay inuu isku day dil ka badbaaday, inkasto Madaxda Lubnaan ay sheegeen in Alxariiri uu afduubnaa Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Xariir ayaa haysata Dhalashada wadanka Faransiiska, taas oo u fududeysay inuu kasoo baxo dalka sucuudiga, Waxaana la filayaa inuu dhawaan ku laaban doono dalka Lubnaan. Madaxweynaha Lubnaan ayaana wali aqbalin iscasilaada Sacad Alxariiri.