Maxaa ka jira in ay Nairobi ku shireen Madaxweyne Xaaf iyo Sh. Shaakir?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa warbaahinta gudaha waxa ay qorayeen in Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Hogaamiyaha Maamulka Ahlu sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ay ku wadahadalo ku yeesheen Magaaalada Nairobi Caasimadda Dalka Kenya.

Si aan u ogaano xaqiiqda warkaan ayaa la xariirnay qaar ka mid ah Madaxda Galmudug, iyagoo inoo cadeeyey inaysan jirin wax wada hadal ah Balse Labada masuul isku dhex arkeen diyaarad ay u wada raaceen dalka Kenya, iyadoo midkasta danihiisa u aaday halkaas.

Dhanka kale ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in Wadahadalka Galmudug iyo Ahlu sunno oo ay garwadeen ka tahay urur goboleedka IGAD uu 27 bishan ka furmi doono dalka Jabuuti, waxaana halkaas tagi doono wufuud ka kala socota labada dhinac, IGAD ayaa tan iyo bartamihii sanadkan isku dayeysay in ay dowladda federaalka ka dhaadhiciso in ay la wareegto hoggaanka wadahadalada Galmudug iyo Ahlu sunno, taas oo ay ku guuleysteen sida muuqata.

Madaxweynaha Galmudug ayaa xiriirdhow la leh Madaxweynaha dalka Jabuuti, iyo sidoo kale Xafiiska dib u heshiisiinta IGAD oo ku yaala isla Jabuuti, waana sababta halkaas loogu xushay wadahalka labada dhinac. Ahlu sunna ayaa haysata caasimadda Galmudug Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaano kale, waxaana muddo kabadan laba sano jiray isku dayo lagu heshiisiinaayo Galmudug iyo Ahlu sunna.

Dowladda Federaalka oo horey isugu dayday heshiisiinta labadan garab ayaa ku guuldareysatay, iyadoo kadib arintaan loo igmaday urur goboleedka IGAD oo ay horboodeyso itoobiya.