RW Kheyre oo u ambabaxay Garowe

Wararka Maanta

Wafddi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa goor dhow ka amba baxay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho,iyagoo ku sii jeeda magaalada Garoowe.

Wafdiga uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay halkaasi  ka dhagax dhigi doonaan Mashaariic loogu tala galay in Puntland lagu hormariyo. Mashruuca dhismaha dekedda Garacad ayaa ah mashruuca ugu weyn ee Mudane Xasan Kheyre ka dhagax dhigi doono Puntland.

Waxaa uu sidoo kale ka qeyb gali doonaa Xafladda Sanadguuradii  20aad ee kasoo wareegatay Markii la Aas Aasay Maamulka Puntland. Waxaa lagu waddaa sidoo kale in uu taggo Magaalooyin kale oo ku yaalla Puntland. Mr. Kheyre ayaa Garowe isaga hormariyey ciidamo farabadan oo loogu talagalay in ay inay sugaan amniga wafdiga uu hogaaminayo. ciidamadan ayaa shalay diyaarado lagu geeyey halkaas.

Ra’iisul Wasaare Kheyre waa Markii ugu horreysay oo uu taggo Puntland tan iyo intii uu noqday Ra’isul Wasaare. Sidoo kale shirka golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa la filayaa in todobaadkan lagu qabto Magaalada Garowe, iyadoo horey loogu qabtay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.