Maxaa kamida qodobada looga wada hadli doono kulanka maanta ee madaxwayne farmaajo iyo madaxwaynayaashii hore

Wararka Maanta

Waxaa maanta la filayaa inuu Muqdisho ka dhaco kulan u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo ka tirsan Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran, kulankan ayaa ahaa mid horay loo sii iclaamiyay oo ka dambeeyay dalab ka yimid dowladda Federaalka.

Sida wararku sheegayaan kulankan ayaa ah mid qado ah oo maanta duhurkii ka dhici doona Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, halkaasoo Madaxweyne Farmaajo ku soo dhoweyn doono Madaxweynayaashii ka horeeyay.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in kulamada maanta looga hadlayo qodobo dhowr ah oo ku aadan xaalada siyaasadeed ee dalka, sida doorashada 2020 oo ay weli Mucaaradka ay saluugsan yihiin in aan weli la caddeyn nooca doorasho iyo shaki ay ka qabaan muddo kororsi.

Wararka ayaa sheegaya in arrimaha kale ee laga hadlayo ay ka mid tahay dhismaha Maamulka Galmudug oo ay xubnaha Madasha Xisbiyada Siyaasadda horay u soo jeediyeen in loo maro nidaam sax ah oo la isku raacsan yahay.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in arrimaha kale ee laga hadlayo ay ka mid tahay arrinta Gobolka Banaadir, waddooyinka xiran iyo sidii dowladda Federaalka u joojin laheyd xayiraada ay dowladdu saartay kulamada siyaasadeed iyo dhaq dhaqaaqa xoriyadda siyaasiyiinta.

Ka hor kulanka maanta ayaa waxaa jiray kulamo Muqdisho ka dhacay oo soo bilowday todobaadkii hore, kaasoo uu bilaabay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, waxaana labada dhinac looga hadlay in la dejiyo xiisada siyaasadeed iyo in la abuuro jawi lagu wada hadlo, iyadoo Fahad Yaasiin uu u gudbiyay Madaxweyne Shariif codsi uu ka waday Madaxweyne Farmaajo oo ah inay labada dhinac kulmaan.

Waxaa kaloo jiray kulan kale oo habeen hore dhex maray Fahad Yaasiin iyo Axmed Fiqi oo ah Xoghayaha Guud ee Madasha Xisbiyada Qaran, waxaana kulankaas ahaa mid ka yimid dhanka Madasha oo dooneysay in la isla meel dhigo ajandayaasha looga hadlayokulanka dhex mari doona Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore.

Dowladda Federaalka ayaa la filayaa inay garawshiyo ka bixiso xanibaadii todobaadkii hore saartay diyaaraddii siday Madaxweynayaashii hore, xilli ay ku sii jeedeen magaalada Beledweyne, waxaana la rumeysan yahay in arrintaas ay ka dhalatay caro siyaasadeed iyo hadal kulul oo ka soo yeeray Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif oo ugu dhaartay dowladda in haddii aysan joojin xadgudubka ay dalka ka bixinayaan, waxaana hadalkaas ka dhashay fal celino kala duwan oo siyaasiyiin iyo madax hore ka soo yeeray oo lagu dhaliilay Sheekh Shariif erayada kulul ee uu adeegsaday.

Ka sokow dadaalka dowladda Federaalka wado ee ku aadan wada hadalada ay la yeelaneyso Mucaaradka ayaa waxaa jiray cadaadis ay kala kulmeysay Beesha Caalamka oo ku aadan in dowladdu ay abuurto jawi xasilloon oo lagu wada hadlo karo, si kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed meesha looga saaro.

Si kastaba ha ahaatee kulanka xasaasiga ah ee maanta dhex mari doonta Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, iyadoo dad badan ay dhowrayaan waxyaabaha ka soo bixi doona.