RW Kheyre oo ka baaqday Safar uu ku tagi lahaa Garacad

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqday safar uu ku tagi lahaa degmada Garacad, halkaasoo ka mid aheyd goobaha la qorsheeyay inuu booqdo, inta uu ku guda jiro safarkiisa deegaanada Puntland.

Wararka laga helayo Garowe ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu ka baaqsaday safarkaas culeysyo siyaasadeed darteed, waxaana qorshaha Garacad qeyb ka aheyd dhagax dhigga Deked laga hirgelinayo halkaas.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa la sheegay inuu keligiis tagayo Garacad, si uu u dhagax dhigo Dekeda laga hirgalayo.

Diyaar garowga soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha iyo dhagax dhigga Dekeda Garacad ayaa maalmihii la soo dhaafay si aad ah looga dareemayay degmadaas oo ka mid ah deegaan xeebeedka.

Sababaha baaqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Garacad ayaa lagu tilmaamay culeys siyaasadeed iyo saameyn ka dhalan karta haddii uu dhagax dhigo, maadaama uu horay ugu baaqday dhagax dhigga Dekeda Hobyo ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug, halkaasoo bilo ka hor ay tageen wafdi ka socday Wasiiro ah oo ka socday Xukuumadda, kuwaasoo dhagax dhigay Dekeda Hobyo.

Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa la sheegay in Ra’iisul Wasaaraha kula taliyeen inuu ka baaqdo safarka Garacad iyo dhagax dhigga Dekeda laga hirgelinayo halkaas.

Hase ahaatee Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta safar dhinaca dhulka ah ku tagaya degmada Qardho, halkaasoo uu ku booqanayo Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dib ugu soo laaban doona magaalada Garowe oo la qorsheynayo in Khamiista uu ka dhaco shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Xigasho: Jowhar.com