Galmudug oo ka qeybgashay Shirka Xasilinta Wadajir (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Shirka xasilinta wadajir looga hadlayo ayaa maanta ka furmay xarunta Xalane magaalada Muqdisho, shirkaan ayaa waxaa hagaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya Cali Joqombe, waxaana ka qeybgalay masuuliyiin ka socota wasaaradaha arimaha gudaha dowlad goboleedyada iyo xubno ka socda beesha caalamka.

Barnaamijka Wadajir Framework ayaa loogu talagalay dhismaha Golayaasha degmooyinka Dalka, iyo dib u heshiisiinta bulshada degan degmooyinka laga hirgalinayo dhismaha golaha Deegaanka.

Dowlad goboleedka Galmudug Waxaa shirkaan ku matalayey Wasiiru dowlaha Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Cumar Maxamed Diiriye (Guureeye ), wuxuuna shirka ka jeediyey halka ay wax u marayaan Dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka Guureeye ayaa sheegay in hadda ay socoto howsha dhismaha Gole deegaan degmooyinka Hobyo, Balanbale iyo Cabudwaaq, degmooyinka ayaa hadda waxaa socda dib u heshiisiinta, iyadoo dhawaan loo gudbi doona qorshaha dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinkaas.

Sidoo kale Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug ayaa diyaarisay Hindise sharciyeedka  dhismaha dowladaha hoose ee degmooyina Galmudug. shircigaas oo horyaala Barlamaanka Galmudug.