Madaxweyne Farmaajo oo maanta tagaya degmada Afgooye

Wararka Maanta

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta ku sii jeeda degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ammaanka  si aad ah loo adkeeyay. Ciidamo isugu jira Milateri, Boolis iyo Nabadsugid oo aad u hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe gaaray Afgooye, si ay ugu gogol xaaraan Madaxweynaha.

Xaafado ka tirsan Afgooye ayaa waxaa ka socdo howl gallo lagu sugayo ammaanka, isla markaana guri guri loo baarayo. Howl galada lagu xaqiijinayo amniga magaalada ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya eeyo u tababaran urinta waxyaabaha qarxa.

Beerta Sheekh Zaayid ayaa loo diyaariyay Wafdiga Madaxweynaha ee saaka ku wajahan Afgooye, waxaana la wareegay ammaanka beerta iyo nawaaxigeeda Ciidamada Madaxtooyada.

Bishii May ee Sanadkii hore ayay aheyd markii Madaxweynuhu uu safar dhulka ah ku tagay degmada Afgooye oo qiyaastii 30KM dhanka koofur galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Afgooye ayaa muddooyinkii u dambeeyay marti gelisay weeraro Al-Shabaab ku qaadayeen fariisimaha ciidamada dowladda ku leeyihiin gudaha iyo daafaha degmadaas.