Real Madrid Oo Xiiseyneysa Raheem Sterling

Ciyaaraha

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa weeraryahanka Manchester City Raheem Sterling inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Sterling ayaa xilli ciyaareed fiican ku riyaaqay, isagoo dhaliyay 13 gool xilli ciyaareedkii oo dhan, oo  ka mid ah sagaal gool13 kulan oo Premier League ah oo uu u saftay City iyagoo 8 dhibcood hogaanka ku haya hogaanka horyaalka.

22 jirkaan ayaa si aad ah muhiim ugu ahaa xilli ciyaareedkan, waxaana City ku guuleystay sagaal dhibcood  wixii ka danbeeyay daqiiqadaha 82aad , oo ay ku jiraan seddexda kulan ee ugu danbeysa ee ay ka horyimaadeenha kooxa Feyenoord, Huddersfield Town iyo Southampton.

Xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa keentay inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo City, waxaana laga yaabaa inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo isagoo qaadanaya 300 kun ginni isbuucii, laakiin uu doonayo inuu dib u dhigo wadahadalada qandaraas kordhinta waxaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso kooxda heysata horyaalka yurub ee Real Madrid, oo la fahamsan yahay inay qorsheyneyso in suuqa kala iibsiga bisha Janaayo usoo dukaamaysan doona.

Los Blancos, oo haatan 8 dhibcood ka danbeysa hogaamiyaasha La Liga ee Barcelona ayaa si gaar ah u doonaya inay ku darto weerarkooda weeraryahan cusub, waxaana ay u arkaan Sterling uu yahay midka ugu macquulsan.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa sidoo kale lala xiriirinayay ciyaaryahanka Chelsea Eden Hazard, kaasoo xilli dheer diirada u saaran madaxweynaha Florentino Perez, halka Real Sociedad sidoo kale Alvaro Odriozola iyo goolhayayaasha Thibaut Courtois iyo Kepa Arrizabalaga ayaa sidoo kale la fahamsan yahay inay yihiin liiska ciyaartoydooda ay doonayso Real.