Dowladda Soomaaliya oo Heshay Xogta Hugaamiyaha Al-Shabaab

Wararka Maanta

Taliyaha Qeybta 43aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jen. Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay inay xogo ku heleen in Amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye uu ku dhuumaaleysanayo qeybo ka mid ah Gobolka Gedo.

Taliyaha oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda wararka ee SONNA ayaa sheegay in Hoggaamiyaha Al-Shabaab uu ka soo cararay degmada Jilib, kaddib markii ay sii kordheen weerarada cirka iyo duqeymaha ay fulinayaan saaxibada Caalamiga sida uu yir.

“Xogo aan helnay ayaa sheegaya in Horjoogaha Al shabaab ugu sareeya uu ku dhuumaaleysanayo qeybo ka mid ah Gobalka Gedo, isagoona kasoo cararay Degmada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe halkaas uu ku dhuumaaleysan jiray, isagoo ka baxsanaya hawgalada iyo duqeymaha Ciidamada xoogga dalka iyo Saaxibada caalamka ay ka wadaan qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya”ayuu yiri Taliyaha Qeybta 43aad Jen. Saxardiid.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii ay soo baxeen warar sheegaya in dagaalyahano fara badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay gaareen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana dagaalyahanadan ay wateen gaadiidka dagaalka.

Dadka deegaanka ayaa shaki ka muujiyay tirada ciidamadan oo ay ugu shakiyeen inay galbinayaan Saraakiil sare.

Taliska Milateriga Mareykanka ee Afrika ayaa kordhiyay howl galada iyo duqeymaha ay ka wadaan Soomaaliya, iyadoo labadii bilood ee la soo dhaafay qaaday illaa 6 weeraro dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.