Buugga ” Sidee ku noqon kartaa Arday Guuleysta?” oo Cadaado lagu soo bandhigay (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta WAXBARASHADA

Buugga ” Sidee ku noqon kartaa Arday Guuleysta?” ayaa galabta lagu soo bandhigay Hotelka Central Magaalada Cadaado, Bandhiggan ayaa waxaa soo qabanqaabisay Madasha #Heego_Forum oo ay aasaaseen dhalinyaro ku nool Magaalada Cadaado.

Buuggan maanta lasoo bandhigay ayaa waxaa qoray nin dhalinyaro ah lagu magacaabo Galad Maxamed Barre, kaas oo dugsiga sare uga baxay Magaalada Cadaado. Buuggan ayaa hogatusaaleynaya ardayda Soomaaliyeed sidii ay ugu guuleysan lahaayeen Waxbarashada. Madasha ayaa waxaa kasoo qeybgalay Qeybaha Bulshada.

Aqoonyahan Cilmi Nuurre wehliye ayaa goobta ka jeediyey hadal dhiirigalin ah, isagoo dhalinta kula dardaarmay in badiyaan aqriska iyo qorista buugta. Sidoo kale Dad kasoo qeyb galay oo u badnaa Dhalinyaro hadda waxbarashada ku jirta ayaa aad ugu riyaaqay bandhigga.