Madaxweyne Farmaajo oo Booqanaya Afgooye

Wararka Maanta

Magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa maanta  halkaasi ay ka socda Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo. ciidamada Amniga ayaa mid mid u baaraya guryaha, waxayna shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana.

Howlgaladaan ayaa yimid ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay Magaalada ay ka dhacaayeen dilal qorsheysan oo loo geystay Askar iyo dad Shacab ah. Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Afgooye.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay suurtagal tahay in Maanta uu magaalada Afgooye booqasho ku tago Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kooxda Daacish ayaa la sheegaa in ay ka howlgalaan Degmada Afgooye iyo Suuqa Bakaaraha, inkastoo maalmihii ugu dambeeyey ururka Alshabaab uu ugaarsi ku hayey xubnaha Daacish koofurta Soomaaliya.