Somaliland oo si kulul ugu jawaabtay Dowlada Somalia

Wararka Maanta

FB_IMG_1487139485817

War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay faragelin qaawan ay ku heyso Madaxbaanida degaanada maamulka Somaliland.

War Saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibaato ku heyso degaanada maamulka Somaliland ,islamarkaana ay colaad ka hurinayso.

Somaliland ayaa sidoo kale tilmaamtay in ay qalad aheyd in dowladda Soomaaliya ay soo farageliso heshiiskii ay wada gaareen Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

Warka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland ayaa ugu dambeyntii loogu baaqay in madaxda dowladda Soomaaliya in ay faraha kala baxaan arimaha Somaliland.