Dowladda Qatar ayaa dowladda Soomaaliya ku wareejisay 68 ka mid ah gaadiidka gaashaan oo loogu tala galay in ay adeegsaddaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed xilliyadda ay ku jiraan dagaalladda.
Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa gaadiidkaan waxaa lagu wareejiyay taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Indhoqorshe, waxaana sidoo kale goobta ku sugnaa Wasiirka Difaaca Soomaaliya.
Mas’uuliyiin ka socday dowladda Qatar ayaa sheegay in Gaadiidkaan loogu tala galay in Ciidanka xoogga ay kula dagaallamaan dagaalyahanada Al-Shabaab, waana nooca ay adeegsaddaan Ciidanka AMISOM.





