Denmark oo Joojisay Iibintii Hubka ee Dalka Imaaraatka

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Denmark ayaa joojisay hubkii ay ka iibin jirtay dalka imaaraatka Carabta, iyadoo ku eedeysay in imaaraatku uu dhibaato bini aadanimo ka sameeyey dalka Yemen.

Warbaahinta Dalka Denmarka ayaa warkaan sheegtay khamiista maanta ah, Wasiirka Arimaha Dibadda Denmark Anders Samuelsen oo la hadlay Barlamaanka dalkaasi ayaa sheegay inuu ku wargaliyey Hay’adda Guud ee Amniga dalkaasi in ay hakad galiyaan fasax iibinta hubka dalka imaaraatka Carabta.

Tan iyo 2015 ayaa xulufada Sucuudiga oo uu ku jira Imaaraatku waxay weerar xooggan kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen, waxaana dagaaladaas ka dhashay dhibaato soo gaartay dadka rayidka ah.

Denmark ayaa sidoo kale bishii November 2018 joojisay in hub laga iibiyo dalka Sucuudi Carabiya, kadib dilkii wariye Jamal Khashoggi iyo tacdiga ay sucuudigu ka geysteen Yemen.