Qaraxyo Ka Dhacay Meel U Dhow Garoonka Besiktas

Ciyaaraha

Laba qarax ayaa ka dhacay meel u dhow garoonka Besiktas ee magaalada Istanbul, waxaana ku dhintay  ugu yaraan 38 qof waxaana haawacmay in ka badan 160 qof, sida laga soo xigtay dowlada Turky.

qarax gaari laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay banaanka Vodafone Arena labada saacadood ka dib ciyaarta ka dhanka kooxda Bursaspor.

Qaraxa labaad, ayaa isna ka dhacay  park u dhawaa garoonka, iyadoo lagu soo waramayaa in ay fuliyeen dad iska soo buuxiyay walxaha qarxa.

 

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarradaan.

W/D Hafsa Haji