Sawirro: Dhismaha garoonka diyaaradaha iyo xarunta degmada Hobyo oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiiru dawlaha Gaadiidka, cirka iyo dhulka Galmudug Cabdulle Xasan Nuur, Wasiir ku xigeenka wasaaradda hawlaha guud ee Galmudug Axmed Cabdullaahi Maxamed ilkacase iyo guddoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaahi Axmed Cali ayaa si wada jira u dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha Degmada Hobyo iyo xarunta degmada oo  lagu dhisidoono  mashruuca tabar-wadaag.

Mashruuca tabarwadaag ee lagu dhisayo garoonka iyo xarunta degmada Hobyo ayaa dhaqaalihiisa waxaa iska kaashanaya Hay’ada SSF(Somali Stability Fund) iyo dadka deegaanka, waxaana fulinaysa hey’ada CPD.

Degmada Hobyo ayaa ku tilaabsaneysa horumar xowli ku socda, waxa ayna kasoo ka banaysaa diiftii iyo burburkii dagaalada sokeeye.

Dhankale dekada Hobyo ayaa shaqo bilowday muddo 20 sano ah kadib, waxaana laba maalin ka hor kusoo xiratay doontii ugu horeysay oo badeeco ka keentay dalka imaaraatka carabta.

fb_img_1481450349675 fb_img_1481450353276 fb_img_1481450356933 fb_img_1481450366626 fb_img_1481450373400

Abdi Hassan Awoowe

Magaalada Hobyo