Qarax ka dhacay isgoyska Soobe Magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay Isgoyska Soobbe ee Magaalada Muqdisho

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhaawacmay qarax lala beegsaday Gaari kuwa aanay xabbadda karin ah oo marayay Isgoyska Soobbe ee Muqdisho.

Ilo ka mid ah hay’adaha amaanka ayaa sheegay in Gaarigaasi ay wateen shaqaale ka mid ah kuwa dhismaha ka wada Waddada Muqdisho iyo Afgooye oo ay waddo sharikad laga leeyahay Dalka Turkiga.

Qaraxa ayaa ka dhacay Taallada loo bixiyay 14ka October halkaas oo Ciidamada amaanka ay isku gedaameen qaraxa kaddib.

Qofka dhaawacmay ayaan la kala caddeyn in uu Turki yahay iyo in uu Soomaali yahay hayeeshee waxaa la xaqiijiyay in Gaarigaasi iyaga wateen.

Todobaadkii hore ayaa qarax Miino oo ka dhacay agagaarka Weydow lagu dhaawacay Injineer u dhashay Dalka Turkiga oo qeyb ka ahaa dhismaha Waddada Muqdisho iyo Afgooye xilli halkaas uu u tagay in uu kormeero.

Isha: Mustaqbal Radio.

Aragtidaada ka dhiibo