Waxaa soo baxaya faahfaahino la xiriira qarax ka dhacay maanta meel ku dhow isgoyska Zobbe ee magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa waxaa uu ka dhashay waxyaalaha qarxa oo lagu dhejiyay gaari nooca aan xabada karin oo ay saarnaayeen muwaadiniin u dhalatay dalka Turkiga.
Labo ka mid ah dadkii saarnaa gaariga oo uu ku jirey qof u dhashay dalka Turkiga ayaa ku dhaawacmay qaraxan iyadoo la dhigey isbitaal ku yaal Muqdisho.
Qaraxyada lagu xiro gaadiidka iyo kuwa lagu aaso dhulka ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho iyadoo dhowaan duleedka Muqdisho ay ku dhaawacmeen qarax miino labo ka mid ah injineerada dhismaha ka wada wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.