Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Xarunta degmada Warta Nabadda (Sawirro)

Wararka Maanta

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ahaa oo daqiiqado kahor lagu weeraray Xarunta Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday gaari nooca ay Soomaalidu u taqaano NOHO oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa,isla markaana lagu dhuftay Albaabka hore ee Xarunta Degmada,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaas,halka tiro kale oo la shaacin ay ku dhaawacmeen,waxaana xaalada goobta ay tahay mid weli kacsan.

Gaadiida gurmadka deg deg ah ayaa goobta ka daabulaya dadkii ku waxyeeloobay qaraxa,isla markaana waxaa halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo isku gadaamay aaga Xarunta oo dhan.

Xaruntan la weeraray ayaa u dhow Madaxtooyada Qaranka Villa Somalia, waxaana Alshabaab horey qaraxyo xooggan ula beegsadeen xarumaha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag.

Xigasho: Dalsan Radio