Askar AMISOM oo isku dishay gudaha Xerada Xalane

Wararka Maanta

Ugu yaraan afar Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM ee ka socda dalka Uganda ayaa geeriyooday ka dib markii ay dhexdooda is rasaaseeyeen. Mid ka mid ah Askartaas iyo kormeerihiisa ayuu khilaaf kala dhexgalay, waxaana muran dhexmaray uu sababay in Askarigu toogto kormeeraha, sidoo kalena labo Askari uu toogto.

Askariga ayaa sidoo kale naftiisa toogtay, waxaana falkan uu Sabtdii ka dhacay gudaha Xerada Xalane oo ah halka ugu weyn ee Ciidanka AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca Uganda Brig Richard Karemire, ayaa xaqiijiyay dhacdadan, waxaana uu intaas raaciyay in Saraakiisha Uganda ay baadhitaan ku hayaan kiiskan.

“Sababta wali lama oga. Waxaan dooneynnaa inaan ogaanno haddii uu waalnaa iyo haddii kaleba,” ayuu yiri Brig Karemire shalay.

Khubarada Milliteriga ayaa tilmaamay inuusan Ciiddanka Uganda  fal ku cusub ku ahayn dilalka noocaas ah, iyadoo Sannadkii 2016-kii, Askari lagu magacaabo Saddex Alifle Isaaq Obua waxa uu si saf-mar ah u toogtay 7 ka tirsan Ciiddankii ay ka wada hadl-geli jireen Xero ay boliska sida Milliteriga u tababaran ku leeyihiin Deegaanka Makindye ee dalka Uganda.

Sidoo kale, sannadkii 20113-kii, Dable Patrick Odoch waxa uu 11-qof ku dilay meel ku dhow  Xarumaha Dhexe ee Ciiddanka Ugnada ee Bombp, waxaana Askarigaasi lagu xukumay xabsi 90-sanno ah.