Qarax gaari oo maanta Muqdisho ka dhacay

Wararka Maanta

Waxaa duhurnimadii maanta Qarax gaari lagu soo xiray uu ka dhacay  degmada Dharkeenley gobolka Benaadir, waxaana qaraxan lasoo sheegayaa in uu ka dhashay khasaaro dhimasho.

Qaraxa ayaa haleelay gaari nuuciisu ahaa Kaarib, waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in qaraxa uu ahaa nuuca gaadiidka lagu xiro, waxaana gaarigaasi la sheegay in ay la socdeen ciidamo katirsan Dowlada.

Inta la xaqiijiyay qaraxaasi waxaa ku dhintay askari la sheegay in uu katirsanaa ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonak qaranka, askariga dhintay ayaa la tilmaamay in uu waday gaariga xiliga uu qarxyayay.

Ninka qaraxa lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Aadan Cabdullahi Isaaq waxa uuna katirsanaa Ciidanka Nabad sugida gaar ahaan qeybta dhar cadka, waxaa sidoo kale la sheegay in uu ahaa macalin Dugsi.

Qaraxyada gaadiidka lagu xiro ayaa kusoo batay maalmahan magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan uu noqonayaa kii 3-aad oo ka dhaca magaalada Muqdisho 24-kii saac ee lasoo dhaafay, waxaana qaraxyadaasi ka dhashay dhimasho.