Gaari xamuul ayaa galabta ku rogmaday wadada isku xirta isgoysyada Zoobe iyo Danwadaagaha, gaarigaan ayaa siday kunteenar, waxaana dhaawac fudud kasoo gaaray darawalkii waday gaariga rogmaday.
Gaarigan rogmaday ayaa nuuciisu ahaa N3, waxa uuna ka yimid dhanka isgoyska Zoobe, gaawaari kale oo wadada maraysay ayaa khasaare kasoo gaaray shilkaan.
Dad badan ayaa isugu soo xoomay goobta shilku ka dhacay oo u dhow Hotel Himilo xaafada Buulo Xuubeey.